Sh. Suldaan Gasle “4 sanno ayeey ummaddu ka dhursugeysay oo ay laheyd is cadeeya”

Maxkamad ku taal Magaalada Amsterdam ee dalka Netherland, lana filayay in go’aan kama dambeys ah ka gaarto kiis dacwadeed u dhexeeyay guddigii maamulka MASJID QUBA oo ah masjid dhismihiisa ay Soomaalidu qeyb weyn ka qaadatay, kuna yaal Magaalada Amsterdam ayaa mar kale dib u dhigtay dacwadii ilaa bartamaha bisha Maarso ee sannadkan. Dacwaddan, oo muddo ku […]
Karaama Naaji “Soomaalida DENHAAG dib ayeey isku abaabuleen” [WAREYSI]

Guddoomiyaha Hay’adda (Stichting Hanuuniye) Karaama Axmed Naaji wuxuu ka mid yahay dhalinyarada hormuudka u ah Denhaag & nawaaxigeeda. Karaama, oo wareysi siiyay wargeyska [Codka Jaaliyada] ayaa ka warbixiyay guud ahaan xaalada Jaaliyadda Soomaalida Nederland, gaar ahaan Jaaliyada Denhaag, isaga oo tilmaamay in Soomaalida ku dhaqan magaaladaasi ay soo martay xilli Soomaalidu ku soo hiran jirtay, […]
Soomaali haysta dhalashada Nederland oo Muqdisho lagu dilay

Saadaq Cusmaan oo ah Soomaali haysta dhalashada Nederland ayaa toddobaadkan lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Saadaq oo deganaa degmada Darusalaam ee duleedka Muqdisho ayeey geeridiisu timid kaddib markii rag ku hubeysnaa bastoolad ay damceen in ay ka dhacaan mobile-kiisa. Warar ku dhowdhow qoyska marxuumka, ayaa sheegaya in xilliga dilku dhacayay in marxuumku ku […]
Hay’ado dowladeed oo is-eedeeynaya waa meesha ugu hooseeysa ee dal garsoorkiisa iyo cadaaladiisa ay gaarto [FAALLO]

Madaxwaynaha dalka waa ilaaliyaha dastuurka (guardian of the constitution) waxaana waajib ku ah in uu kala diro madaxda garsoorka dalka (judiciary organ) iyo Hanti-dhowraha Guud waayo ma ahan mas’uuliyiin gudan kara waajibaadka qaranka ee loo igmaday. Shacabka Soomaaliyeed marna uma hayaan kalsooni iyo ixtiraam hay’adda Garsoorka ee ku caan-baxay musuq-maasuq, laaluush, eex iyo ku takrifal […]
Kenya oo dhexdhexaadineysa Dowladda FS & iyo Axmed Madoobe

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Keya Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay xiriirka diblumaasiyadeed ee dalkiisa kala dhexeeya Somalia & dib u heshiisiin Dowladiisu ay ka dhex wado Dowladda Federaalka Soomaaliya & Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Aadan Barre Ducaae ayaa ugu horrayn xusay in Soomaaliya ay la leeyihiin xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed, mid dhaqaale iyo iskaashi amni isla […]
Netanyahu: Waxaan dib u billaabi doonaa dagaalka Gaza haddii aan…..

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in uu dib u billaabi doono dagaalka Gaza haddii aysan Xamaas sii deyn maxaabiista halkaas lagu hayo ilaa Sabtida. Xabad joojinta oo bilaabatay 19-kii bishii Janaayo ayaa su’aal la geliyay kadib markii mas’uuliyiinta Xamaas ay sheegeen in Israa’iil ay jebisay qodobbadii muhiimka ahaa ee heshiiska, taasoo keentay […]
Maraykanka oo qiray inuu duqayn ku diley Ahmed Maeleninine

Dowladda Maraykanka ayaa markale faahfaahin ka bixisay duqaymo cirka ah oo ciidamadeedu ka fuliyeen buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamada Puntland kula dagaalamayaan kooxda Daacish. Qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaymihii dhacay 1-dii Janaayo lagu diley 14 xubnood oo katirsan kooxda nabaddiidka ah ee Daacish ayna ku […]
Wasiirada socdaalka oo soo saartay sharciyo cusub oo ka dhan ah qaxootiga

Xaalad cusub & welwel hor leh ayaa soo wajahaya dadka magangelya-doonka ah ee sugaya natiijada codsiyadooda qaxootinimada dalkan Nederland, kaddib go’aanno ay gadaal ka riixeyso Wasiirada Socdaalka & Jinsiyadaha Marjolein Faber oo soo baxay shalay. Inkastoo ay dhaleeceyn culus kala kulantay qorshaheeda Wasiirada Faber, haddana waxeey ku adkeysatay in aan waxba laga beddel karin. Golaha […]
Ma dhabbaa inuu is-casilay Xisaabiyihii FSAN.?)

Axmed C/wahaab oo loo garan ogyahay Yariisow, ayaa ka tegay xilkii xisaabiyenimada dalladda FSAN oo uu hormuudkeeda ka tirsanaa tan & 2003-dii. Ma jiro ilo-wareedyo laga helayo xogta ku saabsan is-casilaada Yariisoow, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya inuu saluugay sida ay u socdaan howlaha guddiga & in la iska indha-tiray tallooyin uu soo jeediyay. […]
Danjire Khadiijo Cosoble oo dalab muhiim ah u gudbisay Guddiga FSAN

Danjiraha Soomaaliya u fadhida Midowga Yurub & dalalka Benelux Khadiijo Cosoble, oo ka hadashay kulan casha-sharaf ah oo loogu sameeyay magaalada Rotterdam, ayaa hor-dhigtay guddiga dalladda FSAN dalab muhiim ah. Danjiraha, waxeey ka codsatay Guddiga FSAN in Jaaliyadaha Soomaalidu ka qeybqaataan dib u dayactirka dhulalkii Dowladda Soomaaliya ku laheyd dalka Beljuimka, gaar ahaan dhismihii safiirka […]