Karaama Naaji “Soomaalida DENHAAG dib ayeey isku abaabuleen” [WAREYSI]

Guddoomiyaha Hay’adda (Stichting Hanuuniye) Karaama Axmed Naaji wuxuu  ka mid yahay dhalinyarada hormuudka u ah Denhaag & nawaaxigeeda.

Karaama, oo wareysi siiyay wargeyska [Codka Jaaliyada] ayaa ka warbixiyay guud ahaan xaalada Jaaliyadda Soomaalida Nederland, gaar ahaan Jaaliyada Denhaag, isaga oo tilmaamay in Soomaalida ku dhaqan magaaladaasi ay soo martay xilli Soomaalidu ku soo hiran jirtay, balse muddo dheer ay  reer Denhaag hawada ka maqnaayeen, balse hadda ay ku soo laabteen, sida uu yiri Karaama.

“Waqti waxaa jirtay Denhaag aheyd magaalo Soomaalidu ay ku soo hirato; In muddo ah waxaa jirtay tafaraaruq waxaa naxuusay midnimadii Soomaalida ay ku soo caana-maashay, kaddib markii ay soo bateen ururo sheegta magaca Soomaalida oo danleey ah. Denhaag mar kale waxeey heshay dhalinyaro firfircoon oo u istaagay middeynta Soomaalida” Ayuu yiri Karaama Axmed Naaji, wuxuuna intaasi ku daray in Soomaalidu ay baahi weyn u qabtay dad mutadawiciin ah oo u istaaga midnimada Soomaalida dhexdeeda ah.

“Nasiib wanaag 2-dii sanno ee la soo dhaafay magaalada Denhaag Soomaalida deggan dib ayeey isu soo abaabuleen, waxeyna sameeyeen horumar dhan walba leh. Waxaa jira dhalinyaro dalkan ku dhashay ama ku koray, kuna taqasusay culuun kala duwan balse waxaa meesha ka maqan isku xirnaantii, qaarkood waxeey diyaar u yihiin in ay caawiyaan dadka nugul” Ayuu yiri Karaama, wuxuuna intaasi raaciyay in la joogo waqtigii dhalinyaradu ay hormuudka u noqon lahaayeen mushtamaca.

“Guulaha aan ku  naaloon karno haddaan nahay reer Denhaag waxaa ka mid ah; Ololihii aan u galnay doorashadii Nuur Iikar oo ahaa xubin ka tirsan xisbiga DENK, maanta na ah “Wethouder” Gemeenti Denhaag” Ayuu yiri Karaama, wuxuuna intaasi ku daray in dedaaladaas ay ku yimaadeen midnimo & wada-shaqeyn mushtamaca Soomaalidu ay la yeesheen mushtamacyada kale ee ku dhaqan Denhaag.

Karaama, wuxuu u mahadceliyay dhalinyarada hormuudka ka ah ururka SNG, isaga oo ku ammaanay in ay yihiin dhalinyaro mutacalimiin ah, una istaagay in ay mushtamac ahaan isku xirnaadaan.

“Waxaa na soo maray ururo ku shaqeysta magaca Soomaalida, maalinta ay waxqabad & maslaxad Soomaaliyeed joogtana dhuunta. Dhalinyarada ururka SNG waxeey muujiyeen dedaal ay ku middeynayaan dhalinyarada” Ayuu yiri Karaama, wuxuuna u mahadceliyay maamulka masjidka Bilaal oo uu sheegay in ay bulshada ku hayaan adeeg bulsho & mid diineed, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay Sh. Mxamadeyn & Sh. Ibraahim.

Dhalinyaradu waxeey u baahan yihiin abaabul keliya, haddii ay helaan dad ka horreeyay oo ay ku sii daydaana waa ay ka sii wanaagsanaan laheyd, balse nasiib darro Soomaalida (intooda badan) waxay gaabis ka yihiin danta guud, waxeeyna mudnaanta siiyaan danta gaarka ah” Ayuu yiri Karaama.waxaa la abuuray reer denhaag cusu oo tayo leh waataas maanta mideeysan kuna taameesa horumaka ay gaartay hadana waxaan isku diyaarineenaa in ka qeyb galno doorashada soosocota ee dalada FSN taasoo ku beegan bisha may Masjid Bilal SNG iyo Hanuniye aa dhawaan soo xuli doono musharixii nagu matali lahaa magaalada denhaag anagoo kusoo xulan doono qofka aqoontiisa,tarbiyadiisa iyo kartidiisa.

Karaama, wuxuu u mahadceliyay maamulka Wargeyska Codka Jaaliyada, wuxuuna ku tilmaamay warbaahintu in ay qaadan karto kaalin middeyn ah.

“Warbaahintu waxeey door weyn ka qaadan kartaa kor u qaadista wacyiga bulshada haddeey tahay isku xirnaantooda,  kala warqaadashadooda & soo gudbinta waxa Soomaalida ka qarsoon” Ayuu yiri Karaama, wuxuuna u soo jeediyay Soomaalida in wargeysku noqdo mid gaara meel kasta oo Soomaalidu ay degan tahay.

Share this article

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *