Axmed C/wahaab oo loo garan ogyahay Yariisow, ayaa ka tegay xilkii xisaabiyenimada dalladda FSAN oo uu hormuudkeeda ka tirsanaa tan & 2003-dii.
Ma jiro ilo-wareedyo laga helayo xogta ku saabsan is-casilaada Yariisoow, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya inuu saluugay sida ay u socdaan howlaha guddiga & in la iska indha-tiray tallooyin uu soo jeediyay.
Xiriir Wargeyska Codka Jaaliyadu la sameeyay xubno ka tirsan guddiga oo uu wax ka weydiiyay arrintan, ayeey ka gaabsadeen, waxeyna sheegeen in guddiga FSAN ay la sugayaan waqtiga ku haboon.
Dalladda Federation of Somali Associations in the Netherlands oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN ayaa bishii Ogoosto ee sannadkii hore 30 sanno jirsatay, waana dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah.