Netanyahu: Waxaan dib u billaabi doonaa dagaalka Gaza haddii aan…..

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in uu dib u billaabi doono dagaalka Gaza haddii aysan Xamaas sii deyn maxaabiista halkaas lagu hayo ilaa Sabtida.

Xabad joojinta oo bilaabatay 19-kii bishii Janaayo ayaa su’aal la geliyay kadib markii mas’uuliyiinta Xamaas ay sheegeen in Israa’iil ay jebisay qodobbadii muhiimka ahaa ee heshiiska, taasoo keentay inay joojiso sii deynta saddex kale oo maxaabiis ah Sabtida soo socota.

Xamaas ayaa sheegtay in xadgudubyada xabbad joojinta Israa’iil ay gaartay heer aysan sii wadi doonin dhammaadka gorgortanka ayna dib u dhigi doonto sii deynta koox Israa’iil oo maxaabiis ah siduu qorshaha ahaa.

Netanyahu, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka Talaadadii, ku eedeeyay Xamaas inay ku xad gudubtay xabad joojinta, wuxuuna intaa ku daray inuu amar ku bixiyay in ciidamada Israel ay heegan galaan.

Ilaa hadda, iyadoo heshiiska qayb ka ah, Xamaas ayaa sii daysay 21 maxbuus oo is daba joog ah oo ay ku beddelatay boqolaal falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyada Israa’iil.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay laalsho gebi ahaan xabbad joojinta haddii dhammaan ku dhawaad ​​70-ka maxbuus aan la sii deynin Sabtida, isagoo ku hanjabay tilaabo adag haddii Xamaas aysan u hoggaansamin.

Share this article

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *