Saadaq Cusmaan oo ah Soomaali haysta dhalashada Nederland ayaa toddobaadkan lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Saadaq oo deganaa degmada Darusalaam ee duleedka Muqdisho ayeey geeridiisu timid kaddib markii rag ku hubeysnaa bastoolad ay damceen in ay ka dhacaan mobile-kiisa.
Warar ku dhowdhow qoyska marxuumka, ayaa sheegaya in xilliga dilku dhacayay in marxuumku ku sugnaa afaafka hore ee gurigii uu deganaa.
“Saadaq Cusmaan wuxuu ahaa wiil dhalinyaro oo hami weyn ka lahaa nolosha, waxaa dishay gacan ka xaqdarran, waxaa loo keenay Xamar dhaqancelin” Sidaa waxaa yiri mid ka mid ah ehelada marxuumka.