Maxkamad ku taal Magaalada Amsterdam ee dalka Netherland, lana filayay in go’aan kama dambeys ah ka gaarto kiis dacwadeed u dhexeeyay guddigii maamulka MASJID QUBA oo ah masjid dhismihiisa ay Soomaalidu qeyb weyn ka qaadatay, kuna yaal Magaalada Amsterdam ayaa mar kale dib u dhigtay dacwadii ilaa bartamaha bisha Maarso ee sannadkan.
Dacwaddan, oo muddo ku dhow 4 sanno soo socotay ayaa u dhexeysay Guddoomiyihii guddiga maamulka masjidka iyo Iimaamkii masjidka QUBA Sheekh Suldaan Gasle oo dhinac ah iyo xubnaha kala ah: Abuu-Khadiija, Guuleed Weyrax, Xassan Barre, Naasir Saciid & C/llaahi Qalaf oo dhinaca kale ah
Sheekh Suldaan Gasle, oo aan ka wareysanay aragtidiisa ku aadan go’aan ka gaarista dacwadda, ayaa ku tilmaamay sababaha dib u dhigista in ay la xiriirto howlihii maxkamadda oo is-dulsaaran.
“Waxaan jeclaan laheyn in arrintani ay dhinac u dhacdo” Ayuu yiri Sh. Suldaan, isaga oo intaasi ku daray in sababta uu masjidka dibed-joog uga noqday; Weliba isaga oo xaq ku taagan ay aheyd laxa-jeclo ka haysa masjidka.
“Waxaan u tureynay ayaan ilaa hadda u tureynaa, ma doonayo masjidkii aan dhismihiisa qeybta libaax ka qaatay in qaddiyad aniga igu saabsan u xirmo, balse ummadda Soomaaliyeed ayeey tahay in si ALLE ka cabsi ah inta ay wax u miisaamaan, ay ku baraarugaan qadiyaddan” Ayuu yiri Sh. Suldaan Gasle, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in masjid lagu dhisay hanti ummaddeed in maamulkiisa isku gadaamaan koox gaar ah.
Sh. Suldaan, isaga oo ka hadlayay marxaladihii dacwaddani ay soo martay, wuxuu sheegay in beentu orod gaaban tahay, runtuna ay tahay tan loo irkanayo.
“4 sanno ayeey ummaddu ka dhursugeysay oo ay laheyd haddaad xaq ku taagan tihiin is cadeeya ilaa hadda kuma dhici karaan inta ay ummadda soo hor-istaagaan in ay ka hadlaan xaqaa’iqa” Ayuu yiri Sh. Suldaan.
“In ay been iga sheegeen waxeey aheyd wax aan liqi waayay, dadkii masaajidka joogayna waxeey ka saxiixeen qoraalo been ah. Dadkii bay guryahooda ugu tageen si ay uga soo saxiixaan waraaqo been abuur ah, xittaa maxkamadii baa la yaabtay oo tiri; magaca & saxiixa un baa kala duwane wax waliba waa isku mid. 5-tooda xittaa waa ku jireen dadka warqadaha qoray” Ayuu yiri Sh. Suldaan Gasle, wuxuuna intaasi raaciyay:
“Aniga waxaa la yaab igu noqotay in dadkii aan waqtiga & juhdiga geliyay, ee aan caruurteyda ugu soo tegi jiray, si aan u baro culuunta islaamiga ah in ay noqdaan kuwa aniga i dulmiyay & kuwa dulmigii ku raali noqday oo aan ka dhiidhin; Inkastoo markii hore ay jireen dad ka gadooday falkii la igula kacay, haddana Soomaalidu way ilowsha dhowdahay, xittaa aabayaashii, hooyooyinkii iyo dadkii aniga duruusta iga raacan jiray in ay halkaas ka soo jeestaan waxeey igu noqotay wax aan liqi waayay”
Sheekh Suldaan, isaga oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay, oo aheyd; Tan & markii uu soo shaac-baxay khilaafka masjidka, waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee soo maray, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in isagu uu la yaab u arko in dhalinyaradii uu macalinka u ahaa, una haystay in ay caruurtiisa oo kale yihiin in ay boolis ugu yeeraan ayna masaajidka bannaanka ugu saaraan.
“Waxyaabaha isoo maray ee aan weli quluubteyda ka go’in waxaa ka mid ahaa;
1] Shirkii ay isugu yeereen Jaaliyadda Soomaalida in ay been ku sheegeen dadkii hortooda, ayna madasha ka akhriyee wixii ay raggaasi u soo qoreen.
2] Hadalo deel-qaaf ah oo ay madashaa ka sheegeen, sida hadalkii ahaa: waddaadka ayaa u naxeynaa ee codad ayaan ka haynaa, markii aan iri waxaad duubteen ii soo dira, way diideen.
Sh. Suldaan wuxuu kaloo sheegay sababaha maxkamaddu ay mar walba dib ugu dhacdo in ay mas’uuliyadeeda ay qeyb weyn ku leeyihiin.
Dhinaca kale, waxaan la xiriirnay garabka kale ee masjidka ku haray, si aan wax uga weydiino aragtidooda ku aadan arrimaha uu Sheekhu ka hadlay, balse waxeey ka cudurdaarteen in ay arrintaasi ka hadlaan.
Wixii aragtidaada ah ku soo hagaaji e-mailkan: codkajaaliyadda1@gmail.com