Xaalad cusub & welwel hor leh ayaa soo wajahaya dadka magangelya-doonka ah ee sugaya natiijada codsiyadooda qaxootinimada dalkan Nederland, kaddib go’aanno ay gadaal ka riixeyso Wasiirada Socdaalka & Jinsiyadaha Marjolein Faber oo soo baxay shalay.
Inkastoo ay dhaleeceyn culus kala kulantay qorshaheeda Wasiirada Faber, haddana waxeey ku adkeysatay in aan waxba laga beddel karin.
Golaha talo-bixinta ee ugu sarreeya Nederland (Raad van State) & qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda ayaa ku tilmaamay qorshahaasi mid qar-iska xoornimo ah, kana hor imaanaya xuquuqda qaxootiga iyo heshiisyada caalamiga ah ee Nederland saxiixday.
Maxeey yihiin arrimaha ay dooneyso in wax laga beddelo Feber.?
Xukuumaddu waxay dooneysaa inay joojiso xeerarka dib u mideynta qoysaska, waxeeyna soo bandhigay shuruudo adag.
Sidoo kale, Xukuumaddu waxeey diiday in waalidiinta marka la aqoonsado codsigooda qaxootinimada aan loo keeni doonin qoysaskooda.
Xukuumadda qorshooyinka ay soo bandhigtay waxaa ka mid ah; keenista lamaanayaasha aan is guursan (Niet-getrouwde partners), Carruurta la korsaday (pleegkinderen) & carruurta qaangaarka ah (18+) ee weli ku tiirsan waalidkood.
Qorshooyinka cusub waxaa sidoo kale ka mid ah ruqsadda deganaanshaha Nederland oo ahaan jiray 5 sanno, ayaa la doonayaa in loo beddelo saddex sano keliya. Intaa waxaa dheer, fursadii lagu heli jiray ruqsad deganaansho oo aan xadidnayn ( onbepaalde tijd) ayaa la tirtirayaa gabi ahaanba.
Qorshaha cusub ee Xukuumadda ayaa meelmar noqonaya haddii baarlamaanku ansixiyo
Haddii ay Xukuumaddu ku adkeysato meelmarin qorshahaasi waxeey taasi horseedi kartaa cambaareyn & dhaliilo ka yimaada xisbiyada mucaaradka ah & kuwa u dooda xuquuqda aadsanaha.
Wixii aragtidaada ah inoogu soo hagaaji. E-mail: codkajaaliyadda1@gmail.com