Madaxwaynaha dalka waa ilaaliyaha dastuurka (guardian of the constitution) waxaana waajib ku ah in uu kala diro madaxda garsoorka dalka (judiciary organ) iyo Hanti-dhowraha Guud waayo ma ahan mas’uuliyiin gudan kara waajibaadka qaranka ee loo igmaday.
Shacabka Soomaaliyeed marna uma hayaan kalsooni iyo ixtiraam hay’adda Garsoorka ee ku caan-baxay musuq-maasuq, laaluush, eex iyo ku takrifal awoodeed (abuse of power) si ula-kac ahna u baalmaray dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalla.
Hay’adaha garsoorka ma ahan runtii kuwo gudan kara waajibaadka qaranka ama bulshada si cadaalad ku jirto ugu adeegi kara, waayo waxaa lagu soo wada xulay inta badan qaraabo-kiil iyo qoondo beeleed 4.5.
Garsoorayaasha iyo dhammaan howl-wadeenada hay’adaha garsoorka ma la mid aha hay’adaha kale ee dowladda, waayo waa saldhigga cadaaladda, dowlad-dhiska iyo manbaca (source) iyo horumarka bulshada (fabric of the society).
Garsoorayaasha iyo madaxda hay’adaha dowladda waa in lagu soo xulo aqoon, waayo-aragnimo, daacadnimo, ilaah ka cabsi, lana marsiiyo tartan furan (competition/vetting process).
Marka la fiiriyo dastuurka dalka iyo kala-soocnaanta hay’adaha dowladda (separation of power) sida sharci-dejinta (legislative organ) fulinta (executive organ) iyo garsoorka (judiciary organ) waaxaa ka muuqata isla-shaqaynta hay’adaha dowladda in ay tahay mid xaraj (dilemma) ah una baahan in si tifaf-tiran loo qeexo, waxayna ku xiran tahay qabyo-tirka dastuurka ku-meel-gaarka ah.
Madax-bannaanida ay sheeganayaan hay’adaha garsoorka (judiciary organ) ma ka duwana baaritaanka hanti-dhowraha guud uu ku suubiyo hay’adaha kale ee sharci-dajinta iyo fulinta, middaas ay tahay mid u qaab eg hishiis aqbalid hoosaad ah “tacit agreement” inta si hufan loo kala qeexaayo dastuurka dalka ee wali ku jira jacburka ama qabyada ah.
“Ha la xasuusto in garsoorka dalka uu mugdi ku jiri doono inta Madaxwaynaha dalka uu soo magacaabayo garsoorayaasha dalka ama inta laga suubinaayo guddiga adeegga garsoorka (judiciary services committee) iyo maxkamadda dastuuriga ah ee kala saari lahayd wax kasta ee khilaaf iyo xadgudub dastuureed ah”.
Hanti-dhowraha waxaa lagu haystaa waa “maxaa u suubinaysaa baaritaan lid ku ah hay’adaha garsoorka iyo in la xisaabiyo dakhliga soo gala maxkamadaha, waana sababta abuurtay xurgufta ka dhaxaysa labada hay’adood ee dowladda.
Maxkamadaha dalka waa meesha ugu musuq-maasuq badan, waana lagama maarmaan in baaritaano (audit) iyo xisaab-celin lagu suubiyo, ma jirto hay’ad ama qof sharciga ka sareeya, waa loo wada simman yahay.
Sidoo kale Hanti-dhowrka Guud ka qaanuun ahaan markuu shaqo qaran ku jiro looma yeeri karo sida xeerka hanti-dhowrka uu qeexaayo.
Mararka qaarkood waa loo yeeri karaa hanti-dhowraha ama ku xigeenadiisa si wada-tashi ahaan ah loo xalliyo ka gun gaarida danaha is-diidan (conflict of interest) iyo badbaadina hantida qaranka.
Ugu dambayn, Madaxwaynaha dalka waxaan kula talin lahaa in isbedel guud (total reform) ku suubiyo madaxda garsoorka dalka, hanti-dhowraha guud, waayo waa fadeexo iyo ihaano madax is-eedeeynaysa mid cuskanaaya qodobka 106 ee dastuurka dalka iyo qodobo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed (penal code) 254, 257, 267 iyo hanti-dhowraha guud (Auditor general) ee ku eedaynaya garsoorka is-dabamarin hantida dowladda iyo xatooyo xoole dadwayne waa in si deg-deg ah wax looga qabto, xilalka laga wada qaado, lana kala diro, waa haddii dalka ay ka jirto wax yaroo (iota) nidaam dowladnimo ah.
FG: dalka iyo dadka Soomaaliyeed ha la badbaadiyo, waa iga talo.
Avv. Khaliif M Ducaale