Danjire Khadiijo Cosoble oo dalab muhiim ah u gudbisay Guddiga FSAN

Danjiraha Soomaaliya u fadhida Midowga Yurub & dalalka Benelux Khadiijo Cosoble, oo ka hadashay kulan casha-sharaf ah oo loogu sameeyay magaalada Rotterdam, ayaa hor-dhigtay guddiga dalladda FSAN dalab muhiim ah.


Danjiraha, waxeey ka codsatay Guddiga FSAN in Jaaliyadaha Soomaalidu ka qeybqaataan dib u dayactirka dhulalkii Dowladda Soomaaliya ku laheyd dalka Beljuimka, gaar ahaan dhismihii safiirka uu deganaa oo aan muddo 34 sanno ka badan aan helin wax dayactir ah.


“Waxaan ka codsaneynaa Jaaliyadaha Soomaalidu in ay hormuud u noqdaan ka qeybqaadasha dayactirka dhulalkii Qarankeenu lahaa, oo burbur xooggan uu soo wajahay” Ayeey tiri Khadiijo, waxeeyna intaasi ku dartay in waajib gaar ah u saaran yahay Jaaliyadaha Soomaalida ee waddamada Beljim & Netherland.

Safiirkii hore Danjire Yoonis, ayaa dayactirkii ugu ballaarnaa ka sameeyay dhismaha ay safaaradu deganeyd, balse waxaa uu weli burbur xooggani ka muuqdaa dhismayaashii kale ee dalkaasi ku laheyd Dowladdii Soomaaliya.

Share this article

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *