Afgooye “Guddoomiye Cali Waare marka ay timaado qaddiyad u baahan gurmad wuxuu la kaashan jiray…..”

Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida Netherland, ayaa dhowaan billaabay olole dhaqaale loogu uruurinayo dhulkii Dowladda Soomaaliya ku laheyd Brussels; dhulkaas oo ahaa gurigii safiirka & martida.

Ololaha gurmadkan, ayaa soo billowday kaddib markii danjiraha Soomaaliya u fadhisa Midowga Yurub & Benelux Marwo Khadiijo Cosoble kulan ay la yeelatay hormuudka Soomaalida Netherland dabayaaqada sannadkii hore kaga dalbatay in la badbaadiyo dhulkii Dowladdii Soomaaliya ku laheyd Brussels, dhulkaas oo aan wax dayactir ah helin muddo ka badan 35 sanno.

Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ayaa si weyn u soo dhoweeyay dedaaladdan is-xilqaanka ah ee billowday; Iyada oo qaar ka mid ah hormuudka Jaaliyada Soomaalida ay aragtiyo kala duwan ka dhiibteen ololaha & qaabka loo wajahayo.

Guddoomiyaha ururka Soomaalida Ijmuidan C/qani Cilmi Geelle [Afgooye], ayaa ka mid ah dadka soo dhoweeyay dedaaladdan, isaga oo ku baaqay in maamulka & agaasinka howshaasi lagaga dambeeyo dalladda FSAN oo uu sheegay in ay tahay tan metesha mushtamaca Soomaalida, ayna kalsooni fara badan ku qabaan.

“Soomaalidu, waa dad isku hiiliya marka ay joogto heer Qaran & heer qofeed intaba; Waxaan u mahadcelinayaa shaqsiyaadka isku xilqaamay in howshan seeska u dhigaan, waxaan u soo jeedinayaa in howshan ay kaga dambeeyaan FSAN” Ayuu yiri /qani Cilmi, wuxuuna ugu baaqay dhammaan mushtamaca Soomaalida ee ku dhaqan Netherland inaan loo kala harin gurmadka lagu badbaadinayo dhulkii Dowladda Soomaaliya ee Brussels.

“Waxaan xusuustaa guddoomiyihii hore ee FSAN Dr. Cali Waare oo taariikhda Soomaalida Holland baal-dahab ah kaga jira, ahaana shaqsi xiriir wanaagsan la leh mushtamacyada Soomaalida ama ha daganaadaan magaalo ama tuulo. Marka ay timaado dan Qaran wuxuu la kaashan jiray ururada dalladda FSAN & dadka hormuudka u ah Soomaalida; Halkaas na waxaa ka soo bixi jiray natiijo qurux badan; Waxeey dhacday xilligii abaaraha, xilligii daadadka, waxeeyna ku suurtagashay waxaa la hoos geeyay magaca FSAN, waxaan soo jeedin lahaa walaalaha howshan billaabay in ay howshan hoos geeyaan FSAN” Ayuu yiri C/qani Cilmi Geelle.

Share this article

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *